Wararka ka imaanaya Dalka Konfur Afrika waxey sheegayaan in markale gudaha Dalkaasi uu ka dhacay weerar lala beegsaday Dad Somalia ah.
Weerarkan lala beegsaday Ganacsatada Somalida ah waxey ka dhaceen gudaha Tuulada Asanda ee Degmadda Strand ee magaalladda Cape Town ee Konfur Afrika.
Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah waxey weerarkan ku dileen Ganacsade Somali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mandaale, Sidoo kale weerarkan waxaa ku dhaawacmay Ruux kale Somali ah kaasi oo Kalkaaliya u ahaa Ganacsadaha la dilay.
Dhanka kale Dibad Baxayaal Konfur Afrika ayaa boobay Ilaa iyo Lix Dukaan oo ay lahaayeen dad Soomaliyeed kuwaasi oo ku yaala gudaha Magaalada Cape Town ee Dalka Konfur Afrika.
Calamada.com