Dowladda Eswatini oo ka mid ah dowladaha dhacda Koonfurta qaaradda Afrika ayaa xabsiga dhigtay koox dhalinyaro oo Soomaali ah kuwaas oo ka yimid dhanka waddanka Koonfur Afrika.
Dhalinyarada Soomaalida ah ee la xiray ayaa la sheegayaa inay xabsiga kula kulmayaan dhibaatooyin kala duwan sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi.
Dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool waxay sheegayaan in dhalinyarada la xiray ay waddankaasi soo galiyeen koox shufto ah oo ka ganacsada kala wareejinta dadka, Waxayna intaa ku dareen inta aan la xirin dadkaasi laga dhacay Teleefannadii ay wateen.
Boqolaal Soomaali ah ayaa sannad kasta lagu xiraa waddamada dhaca qaaradda Afrika kuwaas oo badanaa doonaya in ay u tahriibaan qaaradda Yurub, qaarkood ayaana ku dhammaada badaha.