Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika waxey sheegayaan in 4 ruux oo Soomaali ah siyaabo kala duwan dhimasho iyo dhaawac ugu noqdeen gudaha dalka Koonfur Afrika.
Dhacdada hore oo sababtay dhimashada 2 ruux oo Soomaali ah waxey ka dhacday duleedka deegaanka Ixopo ee gobolka KZN ee dalka Koonfur Afrika.
Saraakiil booliska ah ayaa sheegay in ciidanka booliska iyo saddex ruux oo hubeysan oo isugu jirta labo ruux soomaali ah iyo hal ruux oo u dhashay dalka Bakistan ay is rasaaseen ku dhexmartay tuulo hoostagta deegaanka Ixopo ee gobolka KZN taasi oo sababtay dhimashada Saddex-da ruux ee isugu jirta Soomaali iyo Bakistan.
Dhanka kale hal ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhintay mid kale oo Soomaali ahna waa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Bloemfontein ee Gobolka Free state ee dalka Koonfur Afrika.
Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool dad fara badan oo Soomaali ah kuwaasi oo la kulmo dhibaatooyin isugu jira dilal iyo boob hantiyadeed oo ay kala kulmaan kooxo burcad koonfur Afrikaan ah.
Calamada.net.
Calamada.com