Dhowr xubnood, ayaa si daran ugu dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo lagu magacaabp Mannheim, oo ka tirsan dalka Jarmalka, halkaas oo uu weerar ka fuliyay qof mindi ku hubeysan.
Ilo wareedyo maxalli ah, ayaa xaqiijiyay in weeraryahan sitay mindi uu dhowr qof ku dhaawacay goob fagaare ah oo kutaal magaalada Mannheim ee dhacda Koonfur-galbeed dalka Jarmalka, balse markii dambe ciidanka booliska dowladdaasi ayaa la xaqiijiyay inay toogteen oo dhaawac u gaysteen weeraryahanka.
Hogaamiyaha dowladda Jarmalka, Olaf Scholz ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay ku yiri “rabshaddu waa mid aan la aqbali karin gabi ahaanba,”.
Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee Jarmalku waxay sheegeen in dadka ku dhaawacmay weerarka ay ka mid yihiin dadka u dhaqdhaqaaqa Islam-nacaybka iyo booliis ka tirsan dowladda.