Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay dadka iyo deegaanka iyo maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo dagaalladii maanta dhaca ku gacan sarreeyay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen askar ka tirsan maleeshiyaadka maamulka Riddada ah ee fadhigiisu yahay Hargaysa, dagaallada ayaana xooggooda laga soo tabiyay jihoooyinka waqooyiga iyo bariga magaalada Laascaanood.
Duqayda maagalada Laascaanood waxay sheegeen in maleeshiyaadka Somaliland ay waabarigii hore ee saaka weerar culus kusoo qaadeen magaalada, iyagoo magaalada kasoo galay dhanka waqooyi gaar ahaan wadada aada magaalada Burco, balse ay dadka deegaanku iska caabiyeen khasaarena gaarsiiyeen maleeshiyaadka uu madaxa u yahay Muuse Biixi.
Inkastoo ay wali dagaalladu socdaan haddana waxay dadka deegaanku shaaciyeen inay maleeshiyaadka Somaliland kala wareegeen fariisimo ay kaga sugnaayeen waqooyiga magaalada, ayna gacanta ku dhigeen gaadiid ay lahaayeen maleeshiyaadka Muuse Biixi, muuqaallo ay faafiyeen ayaa muujinaya gaadiid Kaareyaal ah iyo Cabdibile la sheegay in lagala wareegay maleeshiyaadka ashahaada la dirirka ah ee fadhigoodu yahay Hargaysa.