Xalay saqdii dhexe ayay ciidanka Mujaahidiinta jabhadda ka hawl gasha gobolada bari waxay weerar culus ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka asha haada la dirirka ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Af urur oo ku dhaw deegaanka Carmo.
Dagaal soo gaaray xalay sagaal saac ayaa halkaas ka dhacay waxayna saraakiisha noo xaqiijiyeen in weerar qorsheysan lagala dul dhacay saldhigii cadowga kadibna la gumaaday maleeshiyaadkii fariisinka ku lahaa.
Inta ay noo xaqiijiyeen saraakiisha waxaa dagaalkaas ku dhintay 3 askari oo meydkooda looga cararay saldhiga halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 kale iyadoo isla goobta markii lala wareegay kadib mujaahidiinta ay gubeen gaari nooca dagaalka ah.
Jabhadii mujaahidiinta ee weerarkaas fulisay ayaa dib kaga soo noqotay hawl galkooda kadib markii ay khasaare soo gaarsiiyeen cadowgii duulaanka ay ku qaadeen.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com