Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca isku magacaabay Jubbo Land ay ka sameysteen gobalka Jubbada hoose.
Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay saldhig maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe ay ka sameysteen degmada Afmadow iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada iyo deegaanada hoos yimaada.
Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay saldhiga Dabaqa ee degmada waxeyna dadka degmada sheegeen in dagaalkan uu ka mid noqonaya dagaaladii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe ka dhacay degmadaasi.
Dagaalka markii muddo kooban uu socday ayey maleeshiyaatka Murtadiinta bilaabeen iney isaga cararaan degmada waxeyna u baxsadeen saldhiga ciidamada Saliibiyiinta Kenye ee duleedka degmadaasi.
Intii dagaalka socday ma jira wax gurmad ah oo ciidamada Kufaarta Kenya ay u sameeyeen maleeshiyaatka iyaga kabo qaadka u ah ee fariisinka ku leh gudaha degmada Afmadow.
Calamada.com