Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyada Liyu booliska Soomaalida iyo kuwa Canfarta ayaa weli ka soconaya deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Siti ee dhulka Soomaali galbeed, halkaas oo ay isku hayaan Soomaalida iyo Cafarta.
Inkastoo maanta uusan dagaalka la mid ahayn kuwa maalmihii hore dhacayay sababo ku aaddan roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay, haddana waxaa la sheegayay in uu socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, maleeshiyaadka Mustafe Cagjar iyo kuwa Cafarta ayaana isku fara saaray qaybo ka mid ah galbeedka gobolka Siti.
Dagaalka ugu culus ayaa dhacay maalinnimadii shalay, wuxuu dagaalkaasi ka qarxay deegaanno dhowr ah oo uu ka mid ah yahay deegaanka Dhambaala, halkaas oo ay soo weerareen maleeshiyo ka tirsan kuwa Cafarta, balse ay iska hor’imaadyo culus la galeen kuwa Soomaalida, dibna u celiyeen.
Khasaare culus ayaa la wariyay in dagaalladii shalay ay kasoo kala gaareen labada dhinac, maleeshiyaadka Mustafe Cagjar waxay sheegeen inay dileen askar iyo saraakiil ka tirsan kuwa Canfarta, dhanka Canfartana waxay sheegteen guulo.
Dagaallada u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa sii xoogaystay shantii maalmood ee lasoo dhaafay, dagaallada hadda soconaya ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu cuslaa ee iska hor’imaad ah, marka loo eego sannaddadaan dambe,