Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadaan Isbaaro maleeshiyaatka dowlada Federaalka dhigteen qeybo ka mid ah wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Goobta sida rasmiga ah Shabaabul Mujaahidiin weerarka kaga fuliyeen ayaa ah halka loo yaqaana Shanta Lafoole waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo muddo socday kaasi oo difaacyada looga saaray maleeshiyaadka dowlada ee goobta isbaarada ku sugnaay.
Idaacada Andalus ayaa baahisay in tiro askar ah oo ka tirsan maleeeshiyaatka dowlada federaalka ay dhimasho iyo dhaawac cadowga kaga noqdeen weerarkaasi iyo ciidamada Mujaahidiinta ee weerarka fuliyay iney si nabad galyo ah kaga soo baxeen goobtii duulaanka.
Dhanka kale tiro ka tirsan askarta dowlada Ridada federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax miino oo lagula beegsaday deegaanka Leego ee gobalka Shabeelada hoose kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay tuulooyin badan oo hoostaga deegaankaasi.
Gobalka Shabeelada hoose waxaa si xiriir ah kaga dhaca weerarada kala duwan ee Shubaabul Mujaahidiin la beegsadaan ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Calamada.com