Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen mid ka mid ah isbaarooyinka maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka dhigteen magaalada Muqdisho.
Dagaalkan waxey ciidamada Mujaahidiinta sigaar ah ugu qaadeen isbaarada maleeshiyaatka maamulka Farmaajo ay dhigteen Biyo dega xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
Isbaarada la weeraray ayaa ah isbaaro maleeshiyaatka dowlada ay si aad ah ugu dhibaan lacagaha baada ahna uga qaataan dadka iyo gaadiidka,waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen iney jirto khasaara nafeet oo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaalka.
Dhanka kale Labo qarax oo loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray xarunta maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Yaaqshiid,dhawaaqa qaraxyada oo laga maqlay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ayaa sidoo kale sababay khasara soo gaartay xubnihii Murtadiinta ee ku sugnaay gudaha xarunta degmada.
Dagaalka iyo qaraxyada ka dhacay degmada Yaaqshiid ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus oo lagu dilay inka badan Soddon iyo Shan ka tirsan saraakiisha,askarta iyo xubnaha dowlada Ridada ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen xarumaha dowlada ee sida aadka ah loo ilaaliyo ee ku dhaw xarunta madaxtooyada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.