Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen degmada Jowhar oo ka mid ah goobaha Kufaarta iyo Murtadiinta kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe.
Dagaalka waxey ciidamada Mujaahidiinta si gaar ah ugu qaadeen bar-controol oo lagu magacaabo Abshir Cali Guura halkaasi oo isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada Federaalka.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Dagaalka markii muddo kooban uu socday ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyaatka dowlada federaalka isaga carareen goobta Bar-controolka ah kuwaasi oo u cararay gudaha magaalada Jowhar.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha maleeshiyaatka dowlada federaalka lagu gaarsiiyay dagaalka xalay ka dhacay degmada Jowhar oo ah xarunta gobalka Shabeelada dhexe.
Calamada.com