Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose oo fariisimo ay ka sameysteen ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa dowlada Ridada federaalka.
Shabaabul Mujaahidiin waxey sigaar ah u weerareen Buundo Yareey oo ka tirsan degmada Afgooye’waxaa dagaalka halkaasi ka dhacay la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhawaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeelada hoose iyo qeybo ka mid ah duleedka magaalada Muqdisho.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka markii muddo kooban uu socday ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Buundo yareey ee degmada Afgooye.
Dagaalkan waxa uu imaanayaa xilli qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com