Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar dhabbagal ah u dhigeen maleeshiyaad katirsan maamulka Jubbaland isku magacaabay.
Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in dagaal muddo saacad ah socday uu ka dhacay afaafka hore ee deegaanka Buula Guduud oo qiyaastii 30 KM dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo,waxeyna ugu dambeyntii maleeshiyaatka Axmed Madoobe iyagoo jabay dib ugu laabteen deegaanka Buulo gaduud.
Dhinaca kale maleeshiyaatka maamulka gaala raaa Axmed Madoobe ayaa maanta dhexdooda ku dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadda Fiiya Afmadoow ee galbeedka magaalada Kismaayo waxeyna iska dileen hal askari oo Murtad ah.