Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen magaalada Muqdisho.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si gaar ah u beegsaday saldhiga ciidamada Kufaarta Shisheeyaha ay ka sameysteen xeradii hore Maslax oo ku taala duleedka xaafadda Suuqa Xoolaha Degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Xerada waxaa ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Weerar qarax loo adeegsaday ayaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada kuwaasi oo ku sugnaay qeybo ka mid ah xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa,waxeyna Goob-joogayaal xaqiijiyeen in maleeshiyaatka dowlada khasaara Nafeet kasoo gaartay qaraxaasi.
Dhanka kale Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Xamarweyne ku dileen mid ka mid Jawaasiista u adeegta dowlada Ridada kaasi oo lagu magacaabi jiray Muuse Mackuu waxeyna ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Mas’uuliyadda Weeraradan isugu jira Dagaalka tooska ah,Qaraxa iyo dilka qorsheysan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.
Aad ayaan ygu faraxsanahy
Alaahu