Waxaa maalintii 8-aad oo xiriir ah magaalada Laascaanood ka soconaya dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka maamulka Ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, kaas oo uu dhinac socdo barakaca ay samaynayaan dadka rayidka.
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dagaalladu ay markale maanta dib u qarxeen kuwaas oo ay barbar socdaan duqaymo xooggan oo ay adeegsanayaan maleeshiyaadka uu madaxa u yahay murtad Muuse Biixi.
Madaafiicda ayaa beegsanaya goobaha danta guud iyo guryaha dadka rayidka sida lagu arki karo sawirro ay faafiyeen dadka deegaanka, Waxaana goobaha ay duqaymuhu ku dhaceen ka mid ahaa guryo rayid oo kuyaal magaalada.
Barakaca dadka ayaa ah mid xooggan, tan ayaana timid ka dib markii ay magaaladu la kulantay duqaymihii ugu xoogganaa tan iyo markii uu billowday dagaalka maalintii 8-aad galay ee ka socda xarun goboleedka Sool Ee Laascaanood.