Dagaallo culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Cammaara ee wilaayada islaamiga Mudug, halkaas oo saraakiil iyo askar looga dilay maleeshiyaadka murtadiinta.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u sheegeen in dagaalladaasi Allaah fadligiis lagu dilay 11 askari, kuwaas oo 2 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, waxaana sidoo kale maleeshiyaadka Riddada laga dhaawacay 10 askari.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dhammaan meydadka maleeshiyaadka Riddada ee dagaalkaas lagu dilay ay daadsanyihiin goobihii saaka lagu dagaallamay ee duleedka Cammaara, saraakiisha dagaalkan lagu dilay waxaa mid ka mid ah lagu magacaabi jiray (Dabaashe) oo ka tirsanaa saraakiisha Gorgor, sidoo kale saraakiisha dagaalka maanta lagu dhaawacay waxaa ka mid ah sarkaal lagu magacaabo Muumin Cabdi Makaraan muumin bag-gale oo ah taliye horin, kaasi oo dhaawiciisu yahay mid garaab ah.
Dhanka kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar madaafiic ah oo ciidanka mujaahidiintu la eegteen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Xarardheere, khasaaraha dhimasho ayaana gaaray 3 murtadiin ah, oo 2 ka mid ah ay ahaayeen taliyaal horin oo ka tirsan Ururka 6-aad ee Gorgor, waxaana mid ka mid ah la oran jiray Sharmaarke. waxaa duqayntaasi sidoo kale ku dhaawacmay 7 kale.