Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka murtadiinta, ayaa maanta waxay ka kala dhaceen duleedyada magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte oo ka wada tirsan wilaayada Hiiraan.
Mid ka mid ah dagaalladaasi ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Habar-dero oo ku yaall afaafka hore ee magaalada Baladweyne, dagaalkaasi ayaa lagu jabiyey maleeshiyada Riddada, waxaana lagu dilay 2 askari oo murtadiin ah.
Dagaalka labaad oo isagana ahaa mid lagu jabiyay maleeshiyada Riddada ayaa ka dhacay duleedka degmada Buulaburte ee wilaayada Hiiraan, waxaana dagaalkaas lagu dhaawacay 1 askari oo murtad ah, kaasi oo lagu magacaabo (Kulmiye Faragab).
Dagaalladan ka dhacay Hiiraan ee murtadiinta lagu jabiyay ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay mujaahidiintu qarax ay ka fuliyeen degaanka Buufow ee Shabeelada hoose la eegteen maleeshiyaad murtadiin ah, gaar ahaan kuwa sirdoonka Riddada ee (NISA), halkaas oo dhaawacyo ay ku noqdeen 6 askari oo murtadiin ah.