Iska hor’imaadyo xooggan oo u dhaxeeyey maleeshiyada Riddada gaar ahaan kuwa Bangaraafta ee uu soo tabobaray Maraykanka iyo maleeshiyaadkii dhawaan laga keenay Eritrea ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Cali Axmed iyo Xaawo-gadiid oo kala tirsan wilaayaadka Sh/Dhexe iyo Hiiraan.
Isku dhacyadan hubeysan ayaa yimid ka gadaal markii maleeshiyaadka murtadiinta ee dhowaan laga keenay Eritrea oo ka koobnaa illaa 60 askari oo watay gaadiidka dagaalka ay kasoo baxsadeen degmada Galcad oo dhawaan uun la geeyey, ilo wareedyo ayaana xaqiijiyay in weerarka ay qaadeen maleeshiyaadka Baangaraafta Riddada oo isku dayay inay is hor taagaan maleeshiyaadkaas.
Ilo wareedyadu waxay intaasi ku dareen in halkaasi ay dagaallo culus ku dhexmareen labada dhinac ee murtadiinta ah waxaana inta la ogyahay dagaalladaasi ku bakhtiyay 4 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawcmeen 8 kale.