Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay weerar abaabulan ku qaadeen mid ka mida saldhigyada ciidamada kuffaarta Kenya iyo maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ay ka deganyihiin gobollada Jubbooyinka.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar hubeysan ku beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Maamulka Ridada Jubbaland iyo ciidamada shisheeyaha Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Jaziirada Kudhaa ee kuyaal gobolka Jubbada hoose.
Sida ay sheegayaan ilo masuul ah waxa uu weerarku ahaa mid culus isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo sheegaya inay jiraan khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaallada.
Ciidamada xarakada Shabaabal Mujaahidiin waxay dhowr jeer oo hore weeraro khasaare badan dhaliyay ku qaadeen saldhigyada ciidamada kenyaanku iyo kuwa maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ay kaga suganyihiin deegaankaasi.
Calamada.com