Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaallo xooggan ku qaaday fariismo kala duwan oo maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta afrikaanta ay ka samasteen wilaayaadka Gedo iyo Jubbooyinka.
Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaankaasi ay Mujaahidiintu ku qaadeen weerar culus oo sababay khasaare kala duwan.
Dagaalka oo socday in muddo ah ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa waxaana lasoo sheegayaa in weerarkaasi si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta khasaare kala duwana lagu gaarsiiyay cadowga.
Dhanka Jubbooyinka ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa weerar ku qaaday saldhgga ciidamada kuffaarta Kenya ay ka daganyihiin deegaanka Cabdala Biroole oo qiyaas ahaan 35 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Mujaahidiinta iyo ciidamada kuffaarta Kenya ee saldhigga ku sugnaa, waxaana la xaqiijiyay in dagaalkaasi khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada kuffaarta Kenya.
Dagaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan oo ka kala dhacay degmooyinka Baladwayne, Halgan, Iyo Jannaale lagu dilay tobaneeyo askari oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta.
Calamada.com