Ciidamada Mujaahidiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro xooggan oo khasaare kala duwan dhaliyay ku qaaday saldhigyo ku yaal deegaanno ka tirsan wilaayaadka Hiiraan iyo Jubbooyinka.
Dhanka wilaayada Hiiraan waxay Mujaahidiintu weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka Ridada ay kaga suganyihiin gudaha magaalada Beledwayne waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Weerarkaasi ka dib waxaa murtadiinta gurmad usoo sameeyay maleeshiyaad kale oo murtadiin ah waxaana la xaqiijinayaa inay jiraan waxyeello culus oo maleeshiyaadka gurmadka ah soo gaaray.
Inta la ogyahay waxaa weerarkaasi dhaawacyo ku noqday 2 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii gurmadka soo sameeyay , waxaana sidoo kale jira khasaare kale oo maleeshiyaadka gaaray.
Dhanka Jubbooyinka waxay Mujaahidiintu weeraro xooggan ku qadeen saldhigyada ciidamada kuffaarta Kenya ay kaga suganyihiin deegaannada Hoosingow iyo Qooqaani ee wilaayadaas.
Mujaahidiintu waxay beegsadeen xarun shidaal oo ciidamada Millatariga Kenya ay ku lahaayeen saldhigga Haasingow waxaana lagu waramayaa in khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed ba uu ka dhashay dagaalkaasi.
Sidoo kale waxay Mujaahidiintu weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ay ka deganyihiin deegaanka Qooqaani ee isla wilaayada Juubbooyinka, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye.
Saacadihii lasoo dhaafay waxay Mujaahidiintu sidan oo kale weeraro khasaare dhaliyay uga fuliyeen saldhigga ciidamada kuffaarta kenya iyo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Calamada.com
Guul iyo gobonimo garabkina nahay wlalayal