Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Garbahaarey.
Xalay fiidkii ayay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay maleeshiyaadka DF-ka ee Itoobiya soo tababartay ku leeyihiin gudaha Garbahaarey.
Dagaal muddo ku dhow hal saac socday ayaa magaalada Garbahaarey ka dhacay, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayay.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay la wareegeen saldhig melleteri oo Garbahaarey kuyaal islamarkaana khasaara dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiisay maleeshiyaad ay ku tilmaamtay ‘Murtadiin’.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula Mareer iyo deegaanka Ambareeso ee dhaca duleedka Baraawe.