Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weeraro silsilado ah ku qaadeen qaar ka mid ah saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin duleedka magaalada muqdisho iyo wilaayada shabeellaha hoose.
Weerarka kowaad Ciidamo hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa dagaal ka bilaabay afaafka hore iyo hareeraha saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin deegaanka calamada ee duleedka magaalada muqdisho.
Maleeshiyaadka murtadiinta oo dagaalka lagu kadiyay ayaa bilaabay rasaas aan wax ujeedo ah lahayn. Halka ciidanka mujaahidiinta hubka noocyadiisa kala duwan la bartilmaameedsanaayeen bartanka xerada ay weerarka ku qaadeen.
Dhinaca kale isla weerar kaas la mid ah ayay xalay fiidkii geesiyaal ka tirsan ciidanka mujaahidiinta ku qaaday isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin duleedka degmada afgooye ee wilaayada shabeellaha hoose.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa weerarkan ku qaaday isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u taaley deegaanka Buullo Foolyo ee duleedka afgooye. Halkaas oo u ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta.
Dagaalkan oo socday in muddo ah ayaa laga maqlayay dhamaan xafadaha degmada afgooye. Waxaana inta badan maleeshiyaadka murtadiinta markii ay ku bilaabatay xabada mujaahidiinta ay u firxadeen dhinaca magaalada. Si ay uga badbaadan xabada mujaahidiinta.
Lama oga khasaaraha maleeshiyaadka murtadiinta kasoo gaaray weeraradii xalay lagu qaaday fariisimahood deegaanka calamada iyo degmada afgooye. Madaama u dagaalka dhacay xilli habeen ah.
Maleeshiyaadkan xalay weerarda lagu qaaday ayaa labaduba waxa u yaalla isbaarooyin lagu dhibaateeyo gaadiidka iyo dadka rakabka ah ee isaga kala safra magaalada muqdisho iyo wilaayada shabeellaha hoose.
Habeen ka hor ayay ahayd markii ciidanka mujaahidiinta weerar ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta afrikaanta ku lahayeen deegaanka Buur-Calow ee duleedka degmada Baraawe. Waxaana mujaahidiinta oo ka shidaal qaaday 10 hore ee bishan dulxaj oo Acmaasha la-laban laabo ay wadaan howlgalo xiriir ah ka dhan ah. cadowga duullaanka ku jooga Dalka.