Wararka ka imaanaya waqooyiga Ciraaq ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan gobolka Kirkuuk ee hodonka ku ah shidaalka maalmo kadib markii kooxaha kurdiyiinta ay qaadeen Afti madaxbanaani u gogol xaaraysa.
Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa daafaha iyo gudaha Magaalada Kirkuuk oo sanadadii lasoo dhaafay ay maamulayeen maleeshiyaadka malaaxidada Kurdiyiinta wada shaqeynta laleh Mareykanka iyo xulufada isbahaysiga saliibiga ah.
War kasoo baxay xukuumadda Dabadhilifka Ciraaq ayaa lagu sheegay in saaka aroortii hore ciidamadoodu ay dagaal kula wareegeen ceelasha shidaalka waqooyi iyo xarunta koronta ugu weyn gobolka oo dhammaan dhaca hareeraha Kirkuuk.
Kumanaan katirsan ciidamada maamulka Kurdistaan iyo maleeshiyaad muwatawiciin Kurdiyiin ah ayaa gaaray magaalada dagaalku ka socdo waxaana lafilayaa in ay difaacdaan.
war kasoo baxay Taliska Peshmerga ayaa lagu sheegay in 12 kamid ah maleeshiyaadka Xashdiga shiicada lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xaafadda warshadaha leh ee Kirkuuk halkaas oo maleeshiyaadka xukuumada ciraaq ay duullaanka ka bilaabeen.
Tani waxay ka dambeysay ka dib markii Xeydar Alcabaadi uu amar kusiiyay ciidamada xoogga ee xukuumaddiisa I nay gacanta ku hayaan goobo waaweyn oo ka mid ah magaalada muranka badan ee Kirkuk oo ay gacanta ku hayaan ciidammada Kurdida Peshmerga.
Wasaaradda G.dhigga dowladda Mareykanka oo taageero dhan walba ah siisa dhinacyada dhaxdooda dagaallamaya ayaa ku baaqday in si degdeg ah dagaalka loo joojiyo.
Tan iyo markii maamulka Kurdistan uu dhawaan qaban qaabiyay afti madax banaani u gogol xaaraysa ayay siibadanayeen colaadinta uga imaanaysa dowladaha gobolka sida Iiraan, Turkiga iyo ciraaq.