Dagaallo culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer ee wilaayada Galgaduud, halkaas oo jab culus lagu dhaxalsiiyay maleeshiyaadka Riddada, dhowr askarina looga dilay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u sheegeen, in dagaallada oo ahaa kuwa aad u xooggan si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka Riddada ee dhaqdhaqaaqyada ka waday duleedka degmada Ceeldheer, Allaah fadligiisna lagu dilay 7 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 9 kale.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu intii ay dagaalladu socdeen gacanta ku dhigeen oo ay soo qaniimeysteen shan qori oo AK47 ah iyo hal qori BKM ah, dagaalladan ayaana kusoo beegmaya xilli qarax culus oo saaka ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen afaafka hore ee laga galo degmada Ceeldheer lagu beegsaday, maleeshiyaad murtadiin ah oo lugeynayey, hal askari ayaa goobta looga dilay mid kalena waa laga dhaawacay.