Wararka ka imaanaya wilaayada islaamiga Hiiraan waxay sheegayaan, in dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleyshiyaadka murtadiinta uu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay meel u dhow degaanka Bood oo dhaca xadka kala qeybiya wilaayaadka islaamiga ah ee Hiiraan iyo Galgaduud.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayay saraakiisha ciidanka mujaahidiinta Andalus u xaqiijiyeen in si wayn loogu jebiyay maleyshiyaadka Riddada, halkaasina looga dilay 2 askari, waxaa sidoo kale dagaalladan murtadiinta looga dhaawacay 7 askari.
Dagaalladan gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xadka u dhaxeeya wilaayaadka islaamiga ee Galgaduud iyo Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, xilli ciidamada mujaahidiintu howlgallo maanta ay ka kala fuliyeen caasimadda Muqdisho iyo degmada Jannaale ku khaarajiyeen laba askari oo murtadiin ah.