Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidanka kooxda axmaarada ee Fano iyo ciidanka dowladda xabashida Itoobiya ayaa ka socda deegaan dhaca waqooyiga Itoobiya, halkaas oo dhinacyadu si wayn ugu diririyaan maalmo xiriir ah.
Warbaahinta taabacsan kooxda Fano waxay sheegtay in maalinkii saddexaad dagaallo culus ka dhaceen deegaan lagu magacaabo Minjar Shewa oo ka tirsan waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamo fara badan oo ka socday dowladda xabashida iyo kooxda xoraynta dadka Axmaarada ee Fano.
Kooxda Fano waxay sheegtay inay jabisay oo ay iska caabisay duullaano kaga yimid 100 askari oo ka tirsan ciidanka ENDF-ta dowladda Itoobiya, waxay sheegtay in dagaalka askar badan lagu dilay, balse ay xaqiijiyeen dhimashada 12 askari, kuwaas oo la dilay inta dagaalladu socdeen.
Maamulka Abiy ayay sheegeen in ciidamo fara badan uu soo dhoobay deegaanka, si uu u burburiyo ciidanka Faano, balse ay ka jawaabeen, waxay sheegteen in saddex baabuur oo ay wateen ciidanka millatariga Itoobiya ay gabi ahaan burburiyeen, gacantana ku dhigeeb hub badan.