Dagaallo aad u culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda xabashida Itoobiya iyo jabhadda hubeysan ee Axmaarada ee Fano ayaa ka socda magaalada qadiimiga ah ee Lalibela, halkaas oo laga soo sheegayo inay ka socdaan dagaallo aad u xooggan.
Dadka ku dhaqan magaaladan qadiimiga ah ee ka tirsan gobolka Axmaarada ayaa wakaaladda wararaka ee AFP u sheegay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan jabhadda Axmaarada ee Fano ay magaalada kasoo weerareen illaa afar jiho, kuwaas oo kusii taqadumay xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Goobjoogeyaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in maleeshiyaadka jabhadda Fano ay la wareegeen gacan ku haynta qaybo ka mid ah magaalada Lalibela, inkastoo garoonka diyaaradaha oo ka yara fog Lalibela ay gacanta ku hayaan ciidanka federaaliga ah ee dowladda Itoobiya.
Madaafiic aad u xooggan ayaa la isku adeegsanayay dagaallada sida ay soo wariyeen dadka deegaanka, dadku waxay aad uga walaacsan yihiin madaafiicda ay ciidanka millatarigu ku beegsanayaan fariisimaha ciidanka, kuwaas oo sida ay sheegeen beegsan kara kaniisadaha kuyaal magaaladaasi.