Dhacdooyin argagax leh ayaa laga soo tabinayaa waddanka Zambia, oo ka mid ah dalalka dhaca Afrika ee ay ka shaqaystaan wadeyaasha gaadiidka ee kasoo jeeda Soomaaliya.
Mid ka mid ah wadeyaasha gaadiidka ka howlgala waddankaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Gorod ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhex gubtay gaari booyad ah oo shidaal uu ku waday.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa dhacday saacadihii lasoo dhaafay, mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya dhacdadan shilka ah.
Muuqaalka lasoo bandhigay ayaa muujinaya baabuurka shidaalka siday ee uu shilka ku galay Cabdirisaaq oo waddada ka baxay, kaddibna ku dhacay meel ka baxsan jid laami ah oo uu ku safrayay.
Mid ka mid ah Soomaalida isticmaala baraha bulshada, kuna sugan waddankaasi oo dhacdadaasi ka hadlayay ayaa sheegay in shilkaan uusan ahayn midka 1-aad balse bishii ay ahayd markii dalka Zambia laga diiwaan geliyay dhacdo tan la mid ah.
Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Axmed Cagaf oo ka mid ahaa dareewallada gaadiidka ee ka howlgala dalka Zambia uu isagana sidan si la mid ah uu ula dhacay gaari uu waday, taasi oo keentay in uu ku dhex gubto, halkaas na ku dhinto.