War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka aadka u xooggan ee ka socda magaalada Muqdisho.
Taliska ciidamada Al Shababaab ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu weerar istish-haadi ah iyo mid xoog kugal ah ku qaadeen dhismaha Hoteelka Elite oo kuyaal xeebta Liido oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.
“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo inqimaasi ah ku qaaday Hoteel uu leeyahay xildhibaan katirsan kooxda Ridada oo kuyaal degmada C/Caziiz ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Hotelka uu weerarku ka socdo waxaa milkiyaddiisa leh wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Maaliyadda C/llaahi Axmed Nuur islamarkaana hadda ah xildhibaan Federaali ah.
Al Shabaab waxay xaqiijisay in xilligii hotelka la weerarayay ay ku sugnaayeen saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Farmaajo.
Camalada.com