Maamulka Trump waxa uu jecelyahay inuu saxiixo amarada fulineed. Sanadkiisii ugu horeeyay ee xafiiska, waxa uu saxiixay daraasin amaro ah oo muran badan ka abuuray mowduucyo aad u kala duwan laga so bilaabo amniga gudaha ilaa ganacsiga.
Qaar kamid ah amaradaas fulineed, sida kan mamnuucida safarada wadamada Muslimiinta iyo kan Darbiga xududa Mexica waxay hanteen indhaha warbaahinta waxayna dibad baxyo ka abureen caalamkoo dhan. Lakiin go’aamo kale oo uu madaxweynuhu qaatay ayaa dhimasho iyo bur bur ka sababaya meelaha fog fog sida Somalia isla markasna aan si aad ah looga warqabin.
Isbuucyo uun ka hor markii uu xafiiska la wareegay, Trump waxa uu saxiixay go’aan rasmi ah oo ku sheegaya qeybo kamid ah Somalia “Aag dagaal”. ku dhawaaqistaas waxay dabcisay qaar kamid ah shuruucdi loogu talagalay in lagu ilaaliyo dhibatada kaso gaareysa dadka shacabka ah markii uu militaryga maraykanku uu howgalada argagixisa la dagaalanka ka fulinayo Somalia.
Pentagon-ku waxay sheegeen in uu amarkaani balaariyay awoodeeda beegsasho ” Si looga guuleysto Al-shabab gudaha Somalia” iyagoo kaabaya ciidamada Midowga Africa iyo Kuwa Xooga Soomaaliya. Lakin bil xaqiiqa, waxa uu amarkaani sameyay wuu ka yara badanyahay in Askarta Maraykanka aan loo raacaneyn wixi eey ku dilaan gudaha Soomaaliya.
Tani waa sharci daro, ahbalnimo, kana soo horjeeda hormarka.
Go’aanka Sharci darada ah:
Duqeymaha cirka ee maraykanku kafuliyo Somaliya waxay soo bilowdeen inti lagu guda jiray “Howgalkii argagixiso ladagaalanka” ee Madaxweyne George Bush, lakiin tirada waxayeelada shacabka kasoo gaarta way sii yaraneysay. Laga soo bilaabo marki uu madaxweynaha hada jooga “Dabciyay” sharciyada la xariira waxyeelada shacabka, tirada iyo xadiga weeraradaas aaad ayay u siyaaday iyadoo horseeday waxyeelo badan oo soo gaarta dadka shacabka ah.
Sida lagasoo xigtay Bureau Of investigative journalism, 32 ilaa 36 weerar ayaa la sheegay in diyaaradaha mareykanku ka fuliyen Soomaaliya intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2016. 2017-kii, 34 weerar oo cirka ah ayuu maraykanku ka fuliyay Somaliya isagoo dilay in kabadan 200 of qof.
Al-Shabab, mintidiin xariir la leh Al qaacida, ayaa ah bartilmamedka rasmiga ah ee inta badan weerarada uu maraykanku ka fuliyo Somalia. Hadafkoodu waa iney muqdisho ka qabsadan doowlada isla markaasna eey booskeeda ka dhisaan dowlada kale oo cusub. Dowlado badan oo African ah ayaa la hardamayay kooxdan hubeysan wax ka badan 10 sano. Lakiin dowlado badan oo reer galbeed ah ayaa haatan si cad u hogaaminaya dagaalka.
Hanaankan, Washington waxay u muuqataa iney isku haleyneyso xariiro aan toos ahayn iyado fatqalaleyneysa madaxbanaanida wadan madax banaan. Ma cada cida sida rasmiga ah u ogolaatay weerarada Drones-ka maraykanku eey fulinayaan.
Soomaalia ma ahan wadankii fashilmay oo ey mar ahaan jirtay – masi ahaan doonto barxad kubadeedka ajaanibta aan loo wacan. Maantay, Muqdishu waxaa ka jira maamul heer caalami la aqoonsanyahay ee leh garsoor, sharci dajin iyo Hay’ado fulineed oo shaqeynaya, maamulkaasna, ulama jeedo kan Donald Trump, waa inuu bixiyaa ogolaanshaha heerka dagaal ee lagula galayo Al-shabab gudaha wadanka.
Dastuurka Somaliya waxa uu sicad u sheegaya in madaxbananida wadanka eey tahay lama taabtaan. Sharci dajintiisa iyo hey’adaha fulinta ayaa masuul ka ah amniga qaranka ayagaana go’aaminkara tilaabo military. Ogolaanshoda la’aantiisa weeraradu waxay fatqalalo ku yihiin madax banaanida wadanka waana sharci daro.
Weerarada ahbalnimo ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan.
Dowlada maraykanku waxay ku marmarsiyota inuu ku jiro amnigeeda iyo daneheeda qaranimo weerarada eey ku qaado saldhigyada la sheego in Al-shabaab ku leyihin gudaha Somaliya. Qofnana ma diidana qaar kamid ah in lagu dilay weeraradaas lakiin badankooda waxay waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah.
Waan ognahay taas maxa yeelay Al-shabaab ayaa marwalba xaqiijisa dhimashada askarteeda iyo saraakiisheeda sarsare. Waxaan goobjoog u ahayn marki Sheikh Cali Jabal, Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, lagu dilay weerar dhanka cirka ah bishii Agoosto ee sanadkii hore. ” Diyaarada fulayiinta ah ee cadawga ayaa isku dayay iney soo weeraraan” kooxda ayaa sidasi ku sheegtay bayaan lagu faafiyay baraha bulshada. “kii hore wey la gafeen, kii danbe aya haleelay halkaasi ayuu ka shahiiday”.
Al-shabaab iskuma daydo iney qariso dhimashada saraakiisha iyo dagaalayahanadeeda maxaa yeelay waxay ogyihiin iney adagtahay isla markaasna eeysan ahayn mira dhal. Warbixinta dhimashada ayaa si dhib yar looga dheehan karaa ehelka iyo qoysas-ka eey kasoo jeedaan askartoodu.
sidaas darteeda, markii aan aragno bayaan kasoo baxay maraykanka oo sheegaya iney Somaliya ku dileen daraasin “Argagixiso” ah isla markaasna aadan maqlin Al-shabaab oo xaqiijineysa dhimashadaas waxaan isweydiina saxnaanta sheegashada maraykanka ee ku saabsan cida ku waxyeelowday.
Badanaa dhimashada dadka shacabka ah soo gaarta caalamku ma arko maxa yeelay weeraradu waxay ka dhacaan meelaha eey maamulaan Al-Shabab. Taas oo ka dhigeysa mid aan u suurta galayn saxaafada iyo Hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iney baaraan.
Mararka qaar warbaahinta maxaliga ah ayaa soo daabacda sawirada iyo magacyada dadka shacabka ee ku waxyeelooba weerarada maraykanka. Lakiin tan xitaa waxay ku xirantahay qofka dhibanaha ah qabiilkiiisa. Haduu qofku kasoo jeeda qabiilada laga tirada badanyahay taas waxay ka dhigantahay inuusan lahayn awood siyaasadeed, dowladuna waxay ula dhaqmeysaa “Tageere Argagixiso”.
Bishii Agoosto 17 2017, Dowlada maraykanku waxay sadex weerar ka fulisay magaalada jilib ee dhacda koofurta Somalia. Us Africa Command waxay soo saareen bayaan eey ku sheegen “iney dileen Argagixiso” Si kastaba ha ahaatee dhibanyaashu waxay ahayeen todobo qof oo isku qoys ah. Sawirada meydkooda iyo intii ka hartay alaabadii gurigooda ayaa si weyn loogu baahiyay warbaahinta Somalida. Lakiin dhibanayaasha kaso jeeda qoysaska laga tirada badanyahay Ayaan awood iyo sameyn ku lahayn siyaasada Somaliya waxayna si quus iyo qiiro leh u dalbadaan cadaalad dhimatay wax yar kadib markii eey soo duugaan kuwii eey jeclaayeen.
Maalmo yar kadib, weerar kale oo ey hogaaminayeen militaryga maraykanka ayaa ka dhacay tuulada bariire oo qiyaastii 45km u jirta magaalada Muqdisho. Halkasi waxa lagu dilay 10 qof oo ey caruuri ku jirto. Mar kale dowlada Somaliya iyo tan maraykanku waxay sheegen iney “dileen Argagixiso”. Mar kaan dhibanayaashu waxay kasoo jeedaan qabiil sameynleh. Kuwi ka badbaaday weerarka iyo qaraabadii aya ku tirtirsiiyay sheegashada beenta ah.
Si eey u cadeeyaan kiiskooda, xubnaha qoyskaasi waxay qaadeen tilaabo aan horay loo qaadin, waxay magaalada caasimada ah uso safriyeen meydadka dhibanayaasha si u soo bandhigaan. Cadaadis kadib, madaxda dowladu waxay la kulmeen odayaasha qabiilka weyna ka raaligaliyeen iyagoo isku raacay iney magdhow ka bixiyaan.
Marka lagaso tago, cadeynta adag, iyo xaqiijinta dowlada Soomaaliya, maamulka maraykanku waxa uu wali ku adkeysanayaa in dhibanayaashu eeysan ahayn dad shacab ah. Diidista xaqiiqooyinka, maamulka Trump waxa uu dhaawacayaa aragtidii laga qabay maraykanka ee ahayd inuu yahay wadan tixgaliya xuquuqul insaanka iyo sharciga.
Olole ka dhan ah Horumarka
Ololaha military maraykanka ee Soomaaliya ma keenayo wax natiijo ah.
Bumbooyinka laga soo tuuro cirka waxay dileen wax yar oo kamid ah saraakiisha Al-shabaab: Labo kamid ah Amiiradoodi ayay maraykanku hore u dileen. Waxaa kalo laga yabaa iney kuwa u shaqeeya ku qasbaan iney isku qariyaan sufuuftooda ayna xadidaan dhaqaaqooda. Lakiin dilista tira yar oo kamid ah saraakiisha iyo askarta ma keeneyso iney baaba’do kooxdu.
Gabi ahaanba, in laga guuleysto Al-shabaab kuma saleysna shaqsiyaad – waxay ku saleysantahay caqiido, caqiidana loogama adkaan karo Bumbo.
Soomaaliya kama caroondoonto dagaalka looga soo horjeedo Al-shabab iyo dilalka loogeysto xubnaha ururka, dadka wadanka jooga waxay fahmeen in nimankaani eey ka go’antahay in ladilo ama eey wax dilaan.
Lakiin dilka aan kala sooca lahayn waxa cadaawad galineysaa dadka shacabka ah. Tani waxay ka dhigeysaakooxda mintidiinta ah dhaqdhaqaaq wax iska caabin ah, qaasatan dadka ku hoos nool maamulkoda. Qofkasta o eey dileen diyaaradaha maraykanka waxa yeelanaya Al-Shabaab, qaraabada iyo raga eey is xigaana waxay raadsan doonaan fursad eey ku aargoostaan. Ayaga aargoosiga ayaa u ah cadaalad.
Badanaa dhibanayaasha howlgalada military-ga Maraykanka waa xoola dhaqato iyo beeraley reer guraa ah oo eysan jirin cadaawad hore oo eey u qabeen dadka Ameerikaanka ah. Duqeymaha maraykanku waxay dad badan ku qasbayaan iney isaga barakacaan guryahooda. Dhowaan waxan arkaynay “Barakacayaasha Drones-ka” kuwaasi oo soo biiriyay xeryaha qoxootiga wadanka gudahiisa ku barakacay ee muqdisho. Caruurta waxaa ku daba dheeratay naxdinta eey ka cabsanayaan Bambooyin cirka kasoo dhacaya.
Mudane Trump, bombooyinkaaga waxay barbaarinayaan jiilka xiga ee isku qarxinaya Soomaaliya. La dagaalan Al-Shabaab lakiin jooji argagixinta kuwa aan waxba galabsan. Si aad u gaarto guul waa inaad qadarisa Sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Soomaaliya. Dib ugu laabo ficiladaada ahbalnimada ah dibna uga feker istiraatijiyadaada Somaaliya.
Maqaalka Waxaa Faafiyay Telefeshinka Aljazeera Halkan Guji
Waxaa Tarjumay Hilaal Colaad.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Qaar Kamid ah Dadkii Mareykanku Ku Xasuuqay Soomaaliya kadib doorashadii Trump.