Murtad Maxamed Doodishe oo ah wasiirka Amniga ee Kooxda Riddada Soomaaliya oo dhaawac culus uu kasoo gaaray weerarkii mujaahidiinta ay ku qaadeen xarunta Villa Rose ee magaalada Muqdisho ayaa dhaawaciisa loola cararay dalka Turkiga.
Dhaawaca murtad Doodishe ayaa si qarsoodi ah looga qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo la geeyay waddanka Turkiga halkaas lagu dabiibayo, Waxaana la warinayaa in dhawaciisu yahay mid culus.
Murtadkan ayaa la sheegayaa in intii uu socday dullaankii mujaahidiinta ay ku qaadeen xarunta Villa Rays uu iska soo tuuray dabaq, waxaana xaaladdiisa caafimaad waxba looga qaban waayay cisbitaallada Muqdisho.
Dhinaca kale xaalad cabsi iyo jahwareer ah ayaa soo wajahday Kooxda Riddada ah ee Soomaaliya ka dib weeraradii madaxtooyada, waxayna maleeshiyaadka murtadiinta ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee caasimada, kuwaas oo markii hore furnaa.
Waddooyinka ku yaalla isgooyska Dabka ilaa iyo Sayidka aya lasoo sheegayaa in la xiray, taas oo keentay inay joogsadaan isku socdkii gaadiidka iyo ganacsiga.
Walaaca haysta Kooxda Riddada Somalia ayaa sii xoogaystay kadib markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sheegtay in ay soo labteen qaar ka mid ah raggii fuliyay dullaankii madaxtooyada, ayna u diyaarsanyihiin in ay fuliyaan hawlgallo kale sida uu ka dhawaajiyay afhayeenka Mujaahidiinta Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere Xafidahullaah.