Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somaliya waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah degmada Hurwaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaay maleeshiyaatka isku magacaabay Xasilinta Caasimadda ee dowlada Ridada federaalka.
Rag hubeysan ayaa sarkaalkan ku toogtay agagaarka Maqaayada Al-furqaan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa,iyadoona ragga hubeysan sarkaalkan ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta ku quurbaxo.
Sarkaalkan lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Dhaga Cadde,waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen in ragga dilka geystay horay usii qaateen qori uu watay sarkaalka ay dileen.
Waa sarkaalkii labaad oo muddo Afar iyo Labaatan Saac ah dowlada federaalka looga dila magaalada Muqdisho,waxaa saacadihii lasoo dhaafay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Ismaaciil Danab oo ka tirsanaay saraakiisha Nabadsugidda maamulka Farmaajo.
Calamada.com