Maalintii labaad waxaa deegaanka Cowsweyne ee dhaca wilaayada Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya si buuxda gacanta ugu haya oo ku sugan ciidamada mujaahidiinta, waxaana deegaanka ka babanaysa raayada Rasuulka Allaah SCW, kaddib markii halkaasi cagta lagu mariyay maleeshiyaad Riddada, xasuuq daranna loogu gaystay.
Wariye Liibaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho ku gaaray deegaanka Cowsweyne, isagoo gudaha u galay difaacyadii lagu burburiyay murtadiinta, xasuuqana loogu gaystay.
Isagoo ku sugan gudaha difaacyadii murtadiinta lagu soo afjaray ayuu ka warbixiyay waxyaabaha uu indhihiisa ku arkayo iyo raadadka muuqda ee uu reebay duullaankii cagmarinta ee Cowsweyne.