Wilaayada islaamiga ee Hiiraan ayaa deegaanka Booco ee dhaca bariga wilaayadaasi kusoo bandhigtay saddex askari oo Taa’ibiin ah, kuwaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii Ridada ee sida dirqiga kaga badbaaday duullaankii Cowsweyne ee ay ciidamada mujaahidiintu kusoo afjareen gulufkii murtadiinta ee bariga wilaayada Galgaduud.
Taa’ibiintan oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Saalax Abuukar Cali, Isaaq Maxamed iyo Aadan Isaaq Cali, ayaa waxay ka mid ahaayeen maleeshiyaadkii murtadiinta ee lagu soo tabobaray wadanka Itoobiya ee ka mid ah huwantii cagta lagu mariyay deegaanka Cowsweyne, maamulka wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa xubnahan Taa’ibiinta ah si wada-jir ah towxiidka ugu qabtay deegaanka Booco ee wilaayadaasi.