Askar ka tirsan maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland ayaa weerar ku qaaday xero barakac oo kutaal magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ku dhibaateeyeen dad danyar ah, oo halkaas barakac ku ahaa.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa laga soo tabiyay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee kuyaal degmada Garoowe, waxaana lagu kufsaday gabar yar oo da’diisa lagu sheegay 14 sano jir, eheladu waxay sheegeen in laba askari oo xiran dareeska maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland usoo dhaceen guriga, kaddibna ay xoog ku kaxaysteen gabadha, kufsina kula kaceen.
Halkan Ka Dhagayso Codka Hooyada dhashay iyo Goobjoogeyaasha.