Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayada Sh/hoose, ayaa xukunno xaddu Riddo dil ah fagaare kuyaal magaalada Kuunya-barrow kula fulisay askar ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta, kuwaas oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada mujaahidiinta.
Murtadiinta xadka lagu fuliyay ayaa kala ahaa Abey Maxammed Xasan oo 32 sanno jir ahaa, kaasi oo la shaqeynayay maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia ee ku sugan deegaanka Xawaadley ee Sh/dhexe iyo Mahad Xersi Guuleed oo isaga ka tirsanaa maleeshiyada maamulka Riddada ah ee Puntland.
Mid ka mid ah quddaada maxkamadda islaamiga ah ayaa goobta fagaaraha oo ay soo xaadireen boqollaal muslimiin ah ka akhriyay xukunka kasoo baxay maxkamadda islaamiga ah.