Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus waxay caawa baahisay barnaamij gaar ah oo lagu falanqeeyay howlgalladii ka kala dhacay Warguduudo oo ka tirsan gobolka Mandheera ee dhulka NFD iyo magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu kala beegsaday ciidamada Kenya iyo saraakiil ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Barnaamijkaan oo ah mid xiiso badan oo ay ka qaybgalayaan wariyeyaal ka tirsan idaacadda ayaa lagu soo bandhigay xogo muhiim ah oo ku saabsan camaliyaddii Istish-haadiga ah ee ka dhacday Muqdisho iyo weerarkii Warguduudo, barnaamijkan ayaa sagootin u ah guulihii ay maanta ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligii kasoo hoyeen furimaha Mandheera iyo Muqdisho.