Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus waxay caawa baahisay barnaamij gaar ah oo ay ka diyaarisay dhacdooyinkii dhacay sannadkii tagay ee 1444 Hijri, maadaama ay caawa ku beegan tahay kowda bisha 1-aad ee muxarram sannadka cusub ee 1445 Hijri.
Barnaamijkan oo dhowr xalqo ka kooban ayay idaacaddu caawa baahisay qaybtiisa koowaad, waxaana qaybtaan lagu soo bandhigayaa sooyaalkii uu la tagay sanadkii tagay billowgiisa, kaas oo ahaa sannad taariikhi ah oo suntan sadaro dhalaalaya iyo sooyaal Jihaadi ah, waa sanad marti geliyey mid ka mid ah siraacyda ugu adkaa ee dhexmaray xaqqa iyo baadhilka, waa sanad wilaayaatka Islaamiga ay u babacdhigeen saliibiyadda caalamiga ah iyo dabadhilifyadeeda murtadiinta, waana sannad dhagta dhiigga loo daray gulufkii uu ku dhawaaqay Murtad Xassan Sheekh Maxamuud, dadka muslimiintana ay sameeyeen dadaal aan kala joogsi lahyn, isku duubni aan horay loo arag iyo wada shaqeyn fariid ah oo ay sameeyeen dhammaan makaatibta kala duwan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.