Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa baahiyay warsaxaafadeed muhiim ah oo 3 bog ka kooban, kaas oo looga hadlayo heshiiskii xaaraanta ahaa ee xabashida lagu siiyay badda Soomaaliyeed, sidoo kalena lagu iftiimiyay halka ay liidnaantooda gaariisan tahay dabadhilifnimada madaxda Riddada ee hore iyo kuwa hadda.
Bayaanka kasoo baxay xafiiska warfaafinta mujaahidiinta ayaa lagu sheegay in Muuse Amxaar oo ah ninka xabashida siiyay badda Soomaaliyeed uu la mid yahay Abu Righaalkii Abraha ku hogaamiyay inuu Kacbada ku duulo, bayaanka ayaa sidoo kale lagu iftiimiyay in Abuu Righaalka cusub ee Soomaaliya oo ah Muuse Biixi uusan ahayn abuu rigaalkii ugu horreeyay ee kasoo baxa Soomaalida balse ay jiraan kuwa badan, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen C.llaahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed, Gurguurte iyo Farmaajo.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee mujaahidiinta ayaa sidoo kale baaqyo muhiim ah loogu diray dadka Soomaaliyeed, waxayna xarakadu sheegtay in Abraha oo dhabihiisa ay ku taaganyihiin xabashida iyo camiilkii Abuu Rigaal oo waddadiisa dabadhilifnimada ah ay ku taagan yihiin Muuse Biixi iyo kuwa la midka ee xabashida dabaqoodhiga ah aysan ku jabayn waxaan ka ahayn in lala galo jihaad.
Halkan Ka Dhagayso Bayaanka Oo Dhamaystiran.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Oo PDF Ah.
Ama Hoos Ka Akhriso.