Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo la daalaa dhacaya musiibada fatahaadaha iyo daadadka kala jaray labada daan ee magaaladaas iayaa cabasho xooggan ka muujiyay lacago uu kusoo rogay maamulka Riddada ah ee degmadaas.
Bulshada magaaladaasi ayaa sheegay inay cabasho ka yihiin lacago baad ah oo uu kusoo rogay maamulka Riddada ah ee degmadaas ka arrimiya, waxayna sheegeen in qofkii u kala gooshaya labada geddi ee magaalada uu maamulkaasi ka qaadayo lacag dhan 4 dollar, taasi oo ay sheegeen inaysan awoodin.