Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay camaliyad Istish-haadi ah oo duhurnimadii maantay lagu weeraray bar cantarool oo maleeshiyaadka Jawaasiista kooxda Ridada Somalia ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho.
Geesi ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta Mujaahidiinta ayaa weerarkan la beegsaday saraakiil iyo askar ka tirsan maleeshiyaadka Jawaasiista Ridada.
Weerarka Istish-haadiga ah waxa uu si gaara kaga dhacay Bar kaantarool oo ku taal isgoyska Balack sea ee magaalada Muqdsho waxaana isa soo taraya khasaaraha ka dhashay camaliyadda.
Ilo masuul ah ayaa sheegaya in weerarkaasi si wayn loogu naafeeyay askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Jawaasiista dharcadka loo yaqaan kuwaasi oo ku sugnaa barta ay camaliyaddu ka dhacday.
Khasaaraha horu dhaca ah ee la helayo waxay sheegayaan in weerarka lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Caano geel kaasi oo ahaa taliyihii maleeshiyaadka dharcadda jawaasiista kooxda Ridada ee degmada Howlwadag iyo askar iyo saraakiil kale oo ka tirsnaa maleeshiyaadka jawaasiista dharcadda.
Halkan Ka Dhagayso Faahfaahin ku aadan Camaliyaddaasi.
Calamada.com