Ciidamada kuffaarta Yugaandha ee qaybta ka ah saliibiyiinta Afrikaanta ah ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa duqayn xooggan la beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa dhul beeralay ah oo dhaca duleedka degmada Jannaale ee wilayada Sh/hoose.
Duqayntan oo ay saliibiyiintu u adeegsadeen madaafiicda dagaalka ayay ku beegsadeen beer ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo kutaal duleedka degmada Jannaale, waxayna saliibiyiintu halkaasi ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Bulshadan rayidka ah ee duqaynta lala beegsaday ayaa la sheegay inay xilligaasi ku mashquulsanayeen in meel 5 Km dhanka bari kaga beegan degmada Jannaale ay ka raraan khudradda noocyadeed kala duwan, halkaas oo ay ciidanka saliibiyiintu ku dileen ugu yaraan 1 qof oo shacab ah halka ay sidoo kale ku dhaawaceen 7 kale, oo dhamantood ahaa shacab aan waxba galabsan.
Xuseen Cismaan Waasuge waa afhayeenka beeralayda Sh/hoose, waraysi qadka Taleefanka ah oo uu siiyay Andalus ayuu kaga warbixiyay qaabka ay wax u dhaceen.