Wararka ka imaanaya degmada Buula-burte ee bariga wilaayada Hiiraan ayaa sheegaya in dab xooggan oo khasaare ballaaran gaystay uu salaaddii cishaha ee xalay ka dib ka kacay dhisme kaalin shidaal ah oo kuyaal bariga degmadan.
Dabka oo gaystay khasaare ballaaran oo u badan mid hantiyeed ayaa lasoo wariyay in uu si gaar ah kaga kacay kaalin shidaal ah oo kutaal suuqa xoolaha ee bariga degmada Bulaburte, isagoo kusii fiday dhismeyaal kale oo ka aghawaa kaalinta shidaal ee uu dabku qabsaday.
Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ayaa soo sheegaya in dabka oo ahaa mid aad u xooggan uu gaystay khasaare ba’an, isla markaana uu sameeyay qaraxyo waawayn, oo si wayn looga maqlay degmada iyo deegaannada ka fog fog.
Xog aan helnay ayaa tibaaxaysa in dhawaqa qaraxyada ka dhashay shilkaan dabka ah, illaa saaka si wayn looga maqlayay deegaanno inka badan 40Km u jira degmada Buuloburte, taas oo muujinaysa xaddiga ballaaran ee uu leeyahay dabkan.
Inkastoo aan lasoo sheegin khasaare dhimasho, haddana waxaa jira mid hantiyeed oo aad u ballaaran, iyadoo aysan jirin cid ku guuleysatay xakamaynta dabkaan illaa saaka, ka dib isku dayo dhowr ah oo la sameeyay.
Dabkan ka kacay bariga degmada Buulaburte ee wilaayada Hiiraan ayaa kusoo beegmaya xilli jumcihii lasoo dhaafay uu dab ka kacay dhisme kaalin shidaal ah oo kuyaal deegaanka Godinlabe ee wilaayada Galgaduud.