Dagaallo si weyn loogu jabiyey maleeshiyaadka Ridada ayaa maanta waxay ka dhaceen deegaanka Geerille ee dhaca duleedka degmada Ceeldheer ee wilaayadda islaamiga ah ee Galgaduud.
Dagaaladaasi waxaa Allaah fadligiis lagu dilay 17 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo 12 ka mid ah maydkooda ay uga carareen goobta dagaalka, halka 5 maydad ahna ay goobta dagaalka ka jiiteen maleeshiyaadka murtadiinta.
Saraakiisha ciidanka mujaahidiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in sidoo kale dagaalladaasi lagu dhaawacay 21 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo dhaawacooda ay geeyeen degmada Ceeldheer, sidoo kale 12 qori ayaa murtadiinta looga qaniimeystay dagaalladii maanta dhacay.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta waxay weerar kamiin ah u dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayey inta u dhaxaysa degmada Ceeldheer iyo deegaanka Cali-yabaal, kamiinkaasi waxaa ku dhaawacmay 1 askari oo murtad ah.