Wararka ka imaanaya wilaayada Sh/dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaallo culus oo illaa saddex jeer lagu jabiyey maleeshiyaadka murtadiinta ay ka dhaceen deegaanka Cali Fooldheere oo ah deegaan dhaca duleedka degmada Mahadaay, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in gaari ay wateen maleeshiyaadka kooxda Riddada qarax culus lagula eegtay meel u dhow deegaanka Cali Fooldheere, qaraxan ayaana qayb ka ahaa howlgallada lagu beegsaday maleeshiyaadkii dhaqdhaqaaqyada ka waday Sh/dhexe.
Dhanka kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen fariisin ay ciidamada saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-raamo oo ah deegaan hoostaga degmada Ceel-qaaloow ee Mandheera, saddex cisho ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale loo weeraray saldhiggan ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-raamo.
Isla Mandheera waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen fariisin ay ciidamada kuffaarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Alungo oo dhaca duleedka degmada Lafey, deryanka madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala ee la isku adeegsanayay dagaalka ayaa laga maqlayay goobo ka fog deegaankaas.
Dhanka kale qaraxii murtadiinta lagula beegsaday degmada Balad-xaawo waxay dhimashadu gaartay 8 askari oo uu ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Indhacadde, halka ay ku dhaawacmeen shan kale oo laba ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan oo lagu kala magacaabo Ibraahim Bilow iyo Jeceelow.
Halkan Ka Dhagayso Macluumaadka Xogta Dagaallada Sh/dhexe iyo Kenya.