Al-istish-haadi Maxamad Nuur Xusseen oo sidoo kale loo yaqaan (Muuse Muhaajir) waa mid ka mid ah raggii fuliyay camaliyaadkii Istish-haadiga ee lagu daahfuray duullaankii xoogganaa ee ay mujaahidiintu ku qaadeen magaalada Buula-Mareer ee wilaayada Sh/hoose.
Istish-haadi Muuse Muhaahir oo ka mid ahaa ragga muhaajiriinta ah ee usoo hijrooday waddankan muslimkan ah ee Soomaaliya, si ay uga qayb noqdaan halganka jihaadka ah ee lagula jiro saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda, ayaa inta uusan u dhaqaaqin howlgalkiisa waxa uu ka tagay dardaaran dhaxalgal ah oo ku socda muslimiinta, halka uu dhanka kalena farriimo kulul u reebay gaalada.
Ciidamada kuffaarta Yugaandha oo uu kusii jeeday ayuu walaalkeen u diray farriimo uu dhiig ku qoran yahay, isagoo dhanka kale xusay in uu hurda ka ledi waayay gumaadka iyo xasuuqa ay ciidanka saliibiyiinta Uganda kula kacayaan muslimiinta ku dhaqan Muqdisho iyo Sh/hoose, isagoo dhanka kale dadka muslimiinta ugu bishaareeyay inuu u aar gudi doono dadka dhibbanaha u ah xasuuqa ciidanka Uganda.