Istish-haadi Yoonis Maxamed Muuse oo sidoo kale loo yaqiinnay Xamza Askari waa walaalkii labaad ee fuliyay camaliyaadkii barakaysnaa ee ay Mujaahidiintu ku daahfureen weeraradii cagmarinta ahaa ee lagu qaaday saldhigyada murtadiinta deegaanka Sabiid ee dhaca duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Walaalka ayaa inta uusan howlgalkiisa u dhaqaaqin walaalihiisa muslimiinta ah kaga tagay dardaaran dhaxal gal ah, kuwaas oo ku socday dhammaan muslimiinta gaar ahaan walaalihiisa Mujaahidiinta, ehelkiisa iyo dadka jihaadka ka fadhiya ee aan wali soo haleelin, isagoo dhanka kale dardaarankiisa farriimo kulul ugu diray saliibiyiinta duullaanka ku ah islaamka iyo ehelkiisa iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah ee murtadiinta, isagoo gaalada iyo murtadiinta ugu bishaareeyay ballanqaadkii Allaah ee ahaa inay kor noqon doonto kalimaddiisa towxiidka.