Murtad Siciid Cabdullaahi Dani oo ah madaxa maamulka ashahaado ladiriirka ah ee isku magacaabay Puntland, ayaa sheegay in maandooriyaha Khamriga uu meeshii ugu sarraysay ka gaaray deegaannada uu ka arrimiyo maamulkiisa.
Siciid Dani ayaa qiray in saraakiisha amniga ee maamulkiisa ay iyagu cabaan Khamriga kana ganacsadaan, waxuuna intaa ku daray in la gaarsiiyay khamrada heer lasiiyo Owrta Geella.
Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan ayaa si xad dhaaf ah looga isticmaalaa deegaannada ay ka arimiyaan maamullada kufriga ah ee dalka ka jira, waxaana maandooriyaha ugu badan dalka soo gaaliya madaxda murtadiinta ah layaabna malahan in aad aragto iyagoo fagaarayaasha kaga hadaaqaya in ay khamiriga ku iibin doonaan magaalooyinka.
Dhawaan ayay ahayd markii maayarka degmada Barbara murtadka lagu magacaabo Cabdishakuur Maxamud Xasan uu goob fagaare ah ka shegay in khamriga ay ku iibin doonaan magaalada Barbara, si ay ula jaanqaadaan gaalada Reer-Galbeed, maadaama ay yihiin kuwa wakiil uga ah gumaysiga ay ku jito umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed.