Daa’uud Mucalim Mukhtaar Iyo Cabdullaahi Rooble Axmed waa labo qof oo shacab ah, waxay ku dhinteen duqayn diyaaradeed oo ay saliibiyiintu ka gaysteen duleedka degmada Jannaale ee ka tirsan Sh/hoose waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qof oo kale oo shacab ah.
Duqayntaan diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa si gaar ah u beegsatay dad rayid xoogsato ah oo malab ka dhalinayay shinada, waxaana goobtaasi ku geeriyooday ugu yaraan 2 qof, halka uu ku dhaawacmay qof kale.
Waa duqayntii 2-aad oo muddo kooban gudahood ay saliibiyiintu ka gaystaan duleedka degmada Jannaale, dhowaan ayay ahayd markii weerar madaafiic ah oo ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee ku sugan degmada Jannaale ay ka gaysteen duleedka degmadaas, taas oo uu ku dhintay ugu yaraan 1cqof oo shacab ah halka sidoo kale ay duqayntaasi ku dhaawacmeen 7 kale.